Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cadde oo kamid ah deegaanada gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegayaan in deegaanka Ceel Cadde lagu arkay meydka wiil yar oo qoorta laga jaray.
Wiilka oo da’diisa lagu sheegay inay gaareyso 12 sano jir ayaa meydkisa laga arkay goob miyi ah, waxaana la sheegayaa inuu ilaalinayay ama uu la joogay xoolo uu lahaa aabihii.
Waxaan ilaa iyo hadda faahfaahin dhab aan laga heynin dadka falkaasi ka dambeeyay, laakiin aabaha dhalay wiilkaasi oo la hadlay xafiiska Caasimada Online ee Shabeele Dhexe ayaa sheegay in wiilkiisa uu ahaa mid xoolaha u ilaalin jiray.
“Qoorta ayaa laga jaray Wiilka yar Nin ayaana Qoorta ka qalay sidoo kale Midiyo dhowr ah ayaa ku yaala Jirka Wiilka yare”ayuu yiri Abuukar Maxamed.
Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arinta ka dhacday deegaanka Ceel Cade ee ahaa in qoorta laga jaray wiilkaasi yar.
Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Deegaanka Warshiiq ee Gobolka Shabellaha dhexe Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in wiilkaasi yar dhaawacyo kale ay korkiisa ka muuqdeen, islamarkaana lagala baxay kilyaha ayna wadaan baaritaano arintaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]