Muqdisho (Caasimada Online) – Bannaanbax lagu taageerayo 100-ka maalmood ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxa uu hadda ka socdaa Magaalada Muqdisho.
Banaanbaxa ayaa waxa uu ka socdaa Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Studium, waxaana halkaasi ku sugan inkabadan 2,500 oo ruux oo ay ku jiraan madax ka tirsan DF.
Waxaa iminka Goobta gaaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Xasan Khayre oo halkaa ka jeedin doona Khudbado.
Waxaana Madaxweynaha Garoonka kusoo dhaweeyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Khudbada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa khuseyn doonta waxqabadka dowlada cusub iyo qorshooyinka horyaal mudada ay sii jiri doonto.