Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow u Ambabaxay Dalka Turkiga.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee DFS, waxaana halkaasi ay kula kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga.
Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay Madaxda labada dowladooda inay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga.
Waxyaabaha ay kawada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah arrimaha Abaaraha, Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
Safarka Farmaajo ee dalka Turkiga ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo uu kugu baxo dalkaasi, tan iyo markii la doortay.


