Muqdisho (Caasimada Online) – Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Boqolka maalmood ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goordhow ka bilowday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.
Dibadbaxan ayaa waxaa soo abaabulay Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeybqaadanaaya inkabadan 1,800 oo shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.
Afafka hore Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee Degmada C/casiis iyo Waddooyinka magaalada ayaa waxaa ku sugan Basas waaweyn oo sida dadweyne fara badan oo laga kala keenay 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir.
Waddooyinka gala Garoonka iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowlada waxaana laga mamnuucayaa dhammaan dadka iyo gaadiidka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Bannaabaxa lagu taageerayo ka jeediyey Khudbad uu ku faah faahinayo waxyaabaha u qabsoomay Boqolka Maalmood ee ay dowladiisu jirtay.
Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa mudada kooban ay jirtay ku guuleysatay arrimo la sheego in ay ka mid yihiin La dagaalanka Musuqmaasuqa iyo yareynta dhibaatooyinkii Amni ee ka jiray Caasimadda.