Sawirro: Sidikou oo la kulmay Soomaalida Mpls.!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somalia ahna Madaxa AMISOM Maman Sidikou, ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay qaar kamid ah Dhalinyarada Soomaalida ee ku nool Magaalada Mineapolis ee dalka Mareykanka.

Kulanka oo ahaa mid ay ka qeybgaleen dhalinyaro ka kooban rag iyo dumar, ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ugu haboon oo ay uga qeybqaadan lahaayen dadaalada loogu jiro dib u dhiska dalka iyo inay xooga saaran wacyi galinta si Somalia ay cagaheeda ugu istaagto.

Ergayga ayaa inta uu kulanka socday dhalinyarada ka dalbaday in wixii feker ah ku caawiyan si fariintaasi uu ugu gudbiyo Madaxda dalka.

Waxa uu dhalinyarada xusuusiyay in dalka uu ku leeyahay xaq sidaa awgeedna looga baahan yahay inaysan ilaawin in Somalia xiligaani ay garab u baahan tahay.

Waxa uu ku celcelshay in wakhtiyada soo socda dalka ay iyaga madax ka noqon doonaan sidaa darteedna looga baahan yahay inay garab siiyaan dalkooda si mar un dhibta looga saaro Somalia.
1

2

3

4