FAALO: JAWAARI TALLAABADAADU WAA SAX

Guddoomiye Jawaari tallaabada aad qaaday waa sax inskatoo aad la daahday…sidaan horey u sheegay erayga MOOSHIN waxaa loo fasirtay inuu isagu sharci yahay, madaxweynahana uu dhacay marba haddii mooshin laga keenay. Waxyaabaha laga naxo waxaa ka mida annagoo awal tacbaan ka joognay Xoosh Jibrill iyo qaar kale oo Kanada kala yimid iyo Ingiriiska ayaa nin kale oo sheegtay abuukato kana yimid Kanada ayaa ku andacooday in Jawaari uusan joojin karin mooshinka, fasiraadna ka bixin karin, waana in Maxkamadda sare loo gudbiyaa!!! Dadka sharciga ka soo barta Kanada waxaan u maleynaa inaysan weligood imtixaan u fadhiisan oo shahaadada lagu qaato waxa loo yaqaano ”ATTENDENCE”oo ah inuu duruusta soo xaadiray, wax kalena uusan u baahneyn, marba hadduu afrikaan yahay.

Haddaba, erayga MOOSHIN micnihiisa waa naga maqan yahay waana lagu wareray ee bal aan dadka u qeexno. Mooshin waa ”proposal” ama iqtiraax ama talo-jeedin badanaana loo adeegsado doodaha barlamaanada. Erayga naga khuseeya waxa lagu yiraahdaa Ingiriiska ”impeachmenrt”marka loo adegsanaayo Madaxweyne eedeyntiis…ma jiraan wax caddeyn kara eedeynta lagu soo oogay Madaxweyne Xasan Sheikh mase waxay moodeen in mar haddii lagu dhawaaqay eraygaas in Madaxweynaha xilki laga xayuubiyay uusanna wax shaqo ah qaban karin. Waa sida ay aaminsan yihiin Goodax Barre, Dr.Baadiyow iyo badi siyaasiyiinta xisbiyada furanaya oo isku magacaabay MMD.

Bal aan isku dayno inaan u fasirno kuwa aqoon sharci sheeganya in wixii eedeyn ah oo qof lagu soo oogo waxaa loo baahan yahay in la keeno wax caddeyn kara ( tangible evidence) gabood falka qofka loo heysto. Arrinkaan waxaa qaacida ama saldhig ka dejiyay Nabigeeni Muxammad ليه أفضل الصلاة وازكى السلام

marki uu yiri

ألبينة على من الدعى واليمين على من انكر

Ilaa iyo maanta waxaan wayay qof sharci yaqaan sheeganya oo isweydiiyay mooshinka ma loo hayaa caddeyn sharci ku qotonta oo ku lifaaqan si loo diiwaan geliyo. Madaxweynuhu ma ahan qof caadi ah oo wixi la doono lagu eedeyn karo…mooshinkuna waa warqad ay soo qoreen dad aan qaynuun iyo sharci midna shaqo ku lahayn, markaaseey moodeen inay sax yihiin oo ay weliba ku adkeysanayaan inuu sharciga waafaqsan yahay. Mooshinku ma ahan wax Maxkamad sare loo gudin karo waayoo caga kuma taagna. Dr Jawaari marki hore ayuu ku khaldamay inuu qabto isagoon hubsan sharci ahaantiisa, laakin maanta waa ninka kaliya ee sugi kara inuusan wax sharci ah ku dhisneyn.

Haddaba, waxaa ayaan darro ah in nin lagu magacaabo Dr! Baadiyow uu afka furtay kaddib marki laga wareystay Royal TV & Universal TV oo ka horreeysay isagoo u dhaqmay si aad loola yaabay, wareysiyadi uu bixiyayna waxay ka markhaati keceen herka aqooned ee uu tagaan yahay iyo hab-dhaqankiisa ( his sinister behaviour and attitude) oo marki taxaaliil lagu sameeyay la isku waafaqay inuusan lahayn aqoon heer akadeemi ah oo jideyn karta dabeecadiisa, wayoo (education waa change in behaviour) oo ah aqoontu inay dhaqankaaga beddesho. Dr.Baadiyow marka uu hadlaayo waxaa ka muuqda caro iyo cadaawad uu u qabo dadka oo dhan siiba Madaxweynaha…markaa dadka qaar waxay ku taliyeen in la siiyo tababaro – waa hadduu oggol yahay – uu ku maareyn karo hab-dhaqankiisa ( hatered & anger managamnet course). Waxaa mudan in la xasuusiyo Baadiyow xikmado carabi ah oo dhahaya

أحبس لسا نك لئلا يحبسك

اذا تم العقل نقص الكلا م

Guddooniye Jawaari waxaan leenahay

اذا استشرت الجا هل اختار لك البا طل

Go’aankagu waa sax ee waddadaas ku soco, hana la tashan dabbaal aan caqli iyo aqoon kugu dhaamin, isku kalsoonaaw ee damiirkaaga daacad u ahaaw.

Dadaa waxay isweydiiyeen Dr.Baadiyow waa nin PhD sita ee sidaas ka dhigay..waxaa loogu jawaabay hal-ku-dheg talyaani ah ”l’abito non fa la monaca” dharku ma sameeyo naagta wadaada ah.

Dr.Baadiyow waa qof ”mutashaaim” ah oo wax madow kaliya u muuqdaan, wax wanaag ahna aan marna ishiisu qaban waana ninka ka yiri Royal TV wax horumar ama isbeddel ah uusan dalku sameyn waa sida uu nala jecel yahay!!! Waa yaab!!!.

Waxaan ILAAHEY ka baryeynaa inuusan taladeena noogu dhiibin Baadiyow iyo kuwa isku magacaabay MMD = Madasha Marin-habaabinta Dadweynaha. Ilaahow kuwaas iyo wixi sida iyaga u fikira shartooda naga badbaadi..Allaahuma Aamiin Allahuma AMIIN AAMIIN.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid