Jahwareerka siyaasadda Puntland oo weli socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas, ayaa magacaabay maamul cusub uu yeelan doono gobalka Karkaar.

Magacaabida Maamulka Cusub ayaa imaaday kadib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay maamulkii hore ee ka arrimin jiray gobalka Karkaar.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolkaasi ayaa waxaa loo magacaabay Cabdulqaadir Saciid Caarshe, kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Gudoomiyihii hore ee xilkaasi laga qaaday Cabdiquraan Maxamad Aadan ayaa lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo inuu ka jiiftay horumarintii deegaanka.

Cabdiqaadir Saciid ayaa ka mid ahaa xildhibaanada xukuumaddii Madaxweyne Faroole, isla markaana sidoo kale ahaa la-taliyaha madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ee dhinaca baarlamaanka.

Tallaabadaan ayaa ka mid noqonaysa isbedello fara badan oo Madaxweyne C/weli Gaas uu muddooyinkii dambe ku samaynayey Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com