Sawirro: Somalia iyo Turkey oo dhaqan-gelinaya heshiis la saxiixday 2 sano ka hor

By Asad Cabdullahi Mataan

Ankara (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo howlo shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa Magaaladda Ankara kulan kula qaatay Wasiir ku-xiggeenka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalkaasi, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal eeĀ  Saaxiibtinimo iyo Walaaltinmo ay ka dhaxeyso & heshiisyadii horay loo galay.

Labada masuul ayaa kulankooda waxay si weyn uga hadleen qodobada kala ah siddii dhaqan galintiisa si wanaagsan looga shaqeyn lahaa heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga iyo siddii ay u yeelan lahaayeen labada dhinac Maalgashi dhinaca Tamarta ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii ay u yeelan lahaayen wada shaqeyn buuxada oo dhex marta Labad wasaaradood, is dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha shaqo iyo kobicinta tayada shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Ā Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in WasaaraddaĀ  Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Wadanka Turkiga ay kaĀ  gacan siin doontaĀ  Soomaaliya taageero ku aadan sharciga Tamarta ee horyaalo Golaha wasiiradda.

Mudane Cismaan Libaax ayaa xusay Ā dawladda TurkigaĀ  in dalka ay ka hirgelin doonto maalgashi dhanaca Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah, kaasi oo muhiim u ah howlgalka Wasaaradda ay ka qabanayso dhinacyada TamartaĀ  iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFSĀ  ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga iyo madaxda Shirkadaha gaarka ah ee ka shaqeeya horumarinta Biyaha iyo Tamarta.

Waxaa dhawaan dalka Turkiga lagu qaban doonaa shirĀ looga hadlayo siddii ayĀ iskaashi u yeelan lahaayeen shirkadaha gaarka ah ee Tamarta, kuwaasi oo ka shaqeeyaĀ  labada dal, taasi oo sahalayso in iskaashi wanaagan ay yeeshaan shirkadahaasi.

W/D C/rashiid Nuur Ibraahim