Maxaa kala socotaa tirada shilalka Muqdisho ee ay ku lug laheyd Moto Bajaaj?

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shilalkaan ka dhacay Magaalada Muqdisho 9-kii bil ee ugu dambeeyay ayaa geystay Dhimasho iyo dhaawac.

Shilalka ugu badan ayaa ahaa Mooto Bajaajta oo Magalada Muqdisho ay kumanaan Xabo ay ka holwgallan,waxaana shilalkaas sababeen dhimasho iyo dhaawac.

General Axmed Xasan Maalin Taliyaha Hogaanka Ciidamada Ilaalada Nabad galyada waddooyinka ayaa sheegay in guud ahaan shilalkii dhacay sanadkaan ay gaarayaan 875-shil, 602-shil kamid ah waxaa galay Mooto Bajaaj.

Hayeeshee uu sheegay in shilalkaas ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac intaba,isla markaana ay isugu jiraan dhaawacyo culus iyo kuwo fudud.

Gaashaanle sare Aways Macalin Yaroow Taliyaha qaybta Ciidamada Nabad Galyada Waddooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kaliya bishii tagtay September ay dhaceen shilal gaaraya 98-shil, 73-kamid ah ay galeen Mooto Bajaaj.

8-qof oo geeriyootay ayay Diiwaan geliyeen Taliska Ilaalada Nabad galyada waddooyinka shilalkii Muqdisho ka dhacay bishii tagtay ee September.

Shilalka Gaadiidka ayaa loo sababeeyaa Wadayaasha oo aan laheyn Khidrad ku filan, sidoo kalena ay u wadaan si xad dhaaf ah, taas oo keenta in ay Xakameyn waayaan, sidaasna uu shilka ku dhaco.

Taliska Ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku Xakameynayan wadayaasha Gaadiidka si loo yareeyo Shilalkaan Khasaaraha Dhimasho iyo kan dhaawac geysta.

Halkaan ka dhageyso codka Taliyaha:

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com