Heshiiska iskaashiga cusub ee Somalia iyo Midowga Yurub

Brussels (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay madax sar-sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Masuuliyiinta uu wasiirka la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga u qaabilsan Midowga Yurub Mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels.

Wasiirka iyo wafdigiisu waxay kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaaga Midowga Yurub.

“Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka, dib-u-heshiisiinta, kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga,” ayaa lagu yiri qoraal ay dowladda kasoo saartay kulamadaan.

Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday “sidii kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”

Wafdiga Wasiir Arrimaha Dibedda ku wehlinayay shirarkan muhiimka ah ayaa waxaa kamid ahaa Aways Xaaji oo ah madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka, Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Raisul Wasaaraha iyo Jibriil Aw Maxamed la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibedda.

Sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirka dowladda Soomaaliya ee Brussels.