Haweenka oo si dhab ah ugu jiheystay dagaalka socda kadib baaqii R/W Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka gobolka Banaadir ee caasimadda Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay sida ay uga soo horjeedaan Al-Shabaab, ayna u jiheysteen dagaalka kooxda ka dhanka ah, xilli uu dhawaan arrintaan ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxay sheegeen in aysan mardambe sii dulqaadan karin dhibaatada ay Shabaab ku hayaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan caasimadda oo la ogyahay inay tahay dhibanaha u weyn ee kooxda.

“Waxaa dareemaya in aan hadda hadli karno, waxaa diyaar u nahay difaaca dalka iyo dadkeena. Kacdoonka in aan qeyb ka qaadano ayaa diyaar u nahay in kaalin lixaad leh ka qaadano,” ayey tiri Haweenay kamid ah kuwa gobolka Banaadir.

“Waxa na-dhibaateynaya ee walaalaheena, waalidkeena iyo ilmaheena dilay waa cadawga. Aniga kula hadlaya Odeygayga qarax ayuu ku dhintay aad ayaa uga xumaada marka ay dhibaato iyo qarax uu dhaco.”

Sidoo kale waxay sheegeen in aysan qarsan doonin xubnaha Shabaabka ee dhibaatada ka geysta caasimadda, islamarkaana ay ka daba-gali doonaan meelkasta, laamaha amnigana farta ugu fiiqi doonaan, sida ay sheegeen.

“Banaanbaxa billowday (Kacdoonka Muqdisho) wuxuu nooga dhigan yahay banaanbax muujinaya Kacdoonka shacabka in uu guuleystay, inta dhimana la dhameystiri doono,” ayey sii raaciyeen hadalkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo dhawaan ka qeyb-galay kulan looga hadlayey doorka haweenka ee amniga dalka, ayaa waxa uu sheegay in haweenku ay ku filan yihiin in Al-Shabaab laga nadiifiyo degmooyinka Muqdisho.

Xamza ayaa xiligaas haweenka ugu baaqay inay go’aan kama dambeys ah qaataan, oo dhab ay u qaataan soo celinta sharaftii ay Soomaalidu laheyd, ayaga oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya kacdoonka ka dhanka Shabaab.

“Haweenka waxaan leeyahay Shabaab waa u dhamaatay, ee nala dabar gooya oo Muqdisho ka nadiifiya, hadaa aragtaan mid wata qori bastoolad ka weyn noo soo sheega, boolis iska daaye militeri ayaan soo gelinaynaa.”