Qeybdiid oo shaaciyay xog aan horey loo ogeyn oo la xiriirta dhameystirka dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Guddiga Dastuurka ee BFS Senator Cabdi Qeybdiid oo dhawaan wareejiyay xilka guddoomiyaha guddigaan ayaa shaaciyay caqabado hor leh oo ku hor-gudbanaa dhaqaajinta Dastuurka KMG.

Senator Qeybdiid ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aan baahsan kasoo foodsaartay labada Aqal ee Baarlamaanka, taasi oo fadhiid ka dhigtay howshii ay mudada u igmanayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxyaabaha kale ee maqnaanteeda aheyd caqabad waxa kamid ah Awoodii Garsoorka, gaar ahaan maxkamadii Dastuuriga aheyd. Dastuurkii KMG ah uu markaas noqday mid bogagiisa sidii la rabo loo isticmaalo oo aan la dhowrin,” ayuu yiri Senator Qeybdiid.

Senator-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in caqabadaha soo foodsaaray ay kamid aheyd Maqaamka Muqdisho, taasi oo uu sheegay inay masuul ka yihiin labada Aqal ee BFS iyo wada-shaqeyn la’aan dhanka dowlad-goboleedyada.

“Waxa aan marnaba indhaha laga qarsin karin wada-shaqeyn la’aanta ama iska indha tirida dowlad-goboleedyada. Waa yimaadan oo waxa aragna iyaga oo is haystaan xukuumadda. Sida uu nidaamka dhigayo in tabashada dowlad-goboleedyada ay marto Aqalka Sare weeyi,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Marka waxay u baahan tahay in la iswaafajiyo waxa aan qoraneyno oo Dastuurka ah iyo ku dhaqankiisa – dadka raba inay ku dhaqmaan Dastuurka.”

Senator-ka ayaa qaba in qeybo kamid ah Dastuurka KMG ah uu qeyb ka yahay dhameystir la’aanta Dastuurka, xilli ay xukuumadda federaalka ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay wado qorshe lagu dardar-gelinayo dhameystirkiisa.