Dowlada Kenya oo sheegtay inay culeys kala kulantay kacdoonka ka socda Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in kacdoonka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo deegaano badan looga saaray uu culeys amni oo xooggan ku keenay dalkaas.

Xukuumadda Nairobi ayaa ciidan dheeraad ah oo la socda dhaq-dhaqaaqa dadka ka gudbaya xadka ay la wadaagto Soomaaliya soo dhigtay, si ay uga hortagaan digniin la xiriirta in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay u gudbi karaan gudaha dalkaas.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa walaaca cusub ee soo foodsaaray xukuumadda Nairobi la wadaagay, isaga oo sheegay in howl-galada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolada Soomaaliya ay ka dhalan karaan firxad usoo jiheysta Kenya.

“Madax iyo dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ayaa u jiheystay deegaanada ka fog gobolada howl-galada ka socdaan, si ay uga dheeraadan dagaalka looga qabsaday magaalooyin badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah.”

Kenya ayaa sheegtay in si ay uga hortagto xubnaha Shabaab ee damacsan in ay gudaha u galaan la kordhiyay ciidamada la socda dhaq-dhaqaaqa Soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya oo ah meesha ay kasoo gudbi karaan.

“Adkeynta amniga Soohdinta waa mid nabad-galyo u ah deegaanada xadka xiga, in si fudud loo gudbiyo sahayda ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya iyo in la yareeyo halista weyn ee laga muujinayo weeraro Al-Shabaab ay ka geysan karto gudaha Kenya.”

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Aadan Barre Ducaale oo dhawaan la kulmay saraakiisha hogaamineysa ciidamada ATMIS (ex-AMISOM) ee taageerada buuxda ka heysta Golaha Ammaanka ee QM ayaa hordhigay in ay adkeeyaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe isfaham kala gaaray “wada-shaqayn la xiriirta sugida amniga xuduudaha muddada ay socdaan howl-galada ka dhanka ah Shabaab,” oo mararka qaar weeraro culus ka geysata guda dalkaasi.