Sawirro: Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis difaac oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha gaashaandhigga ee dowladaha Soomaaliya iyo Uganda ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday dhammaystirka heshiis is-afgarad  ah (MOU) kaas ku saabsan dhanka difaaca.

Labada wasaaradood ayaa horay u kala saxiixday qeybihii hore ee heshiiskaan difaac ee Soomaaliya iyo Uganda ay gelayaan.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka  Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim.

Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda ayaa soo dhoweynta kadib loo soo galbiyay xarunta wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas waxaa uga bilowday kulamo ay la qaateen masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga oo wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur uu ugu horeeyo.

Sidoo kale shirka lagu saxiixay heshiiskaan waxaa maanta ka qeyb galay madaxda kale ee wasaaradda iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Janaraal Maadeey Nuureey Shiikheey.

Masuuliyiinta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo kuwa ka socday Uganda ayaa qaatay kulan dheer  oo ay uga wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal ee dhanka difaaca.

Gabagabadii kulankii maanta ka dhacay Muqdisho, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Uganda Vincent B. Ssempijja ayaa kala saxiixday  dhammeystirka heshiis is-afgarad (MOU) dhanka difaaca ah.

Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda, gaar ahaan wasaaradaha gaashaandhigga ayaa 8-dii bisha Agoosto 2022-kii qeybihii hore ee heshiiskaan maanta la dhameystiray ku kala saxiixday magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Dowladda Uganda waxay ka mid tahay dowladaha Afrika ee saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, waxayna door-weyn ka qaadatay dhismaha ciidamada xoogga Soomaaliya, difaaca dalka iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Heshiiskaan difaac ee Soomaaliya iyo Uganda ay kala saxiixdeen wuxuu ku soo aadayaa xilli xiisad culus ay ka dhex taagan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku heysta damac Itoobiya uga jira badda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay xulufo caalami ah u raadsaneyso is difaac ka dhan ah damaca Itoobiya.