Kigali (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta magaalada Kigali ku saxiixay heshiis iskaashi oo muhiim ah.
Heshiiskan oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Tansaaniya iyo EAC, Ilyas Cali Xasan ayaa waxa uu Wasiirka uu la galay dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Rwanda, Amb. Olivier Jean Patrick Nduhungirehe.
Heshiiskan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo lagu ballaarinayo iskaashiga dhinacyada:
- Diblomaasiyadda
- Ganacsiga
- Maalgashiga
- Dhismaha awoodda hay’adaha dowliga ah
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada-hadlay kor u qaadista iskaashiga dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta danaha wadajirka ah, kuwaas oo gacan ka geysan doona xoojinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi waara oo ku saleysan ixtiraam iyo dan wadaag.
Si kastaba, heshiiskan ayaa ka mid noqonaya heshiisyo muhiim ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay la galeysay qaar ka mid ah dalalka caalamka.













