28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 20, 2025

Sawirro: Soomaaliya oo maanta si rasmi ah ugu biirtay ururka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Abuja (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA), kadib kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Maxamed Nuur Colow, oo ka qeyb-galay shirkaas, ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xogta shakhsiyeed, asturnaanta dijitaalka ah iyo ka qeyb-galka madasha heer goboleed ee arrimaha dhowrista xogta.

Kulanka NAPDA waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha dhowrista xogta ee dalal Afrika, kuwaas oo si qoto dheer uga dooday xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ah, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo sidii loo horumarin lahaa sharciyo iyo hannaan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha dijitaalka ah.

Intii uu socday shirka, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda hay’adaha kale ee ka qeyb-galayay shirweynaha.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta muhiimada iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Afrika si wadajir loogu wajaho caqabadaha xagga xog-ilaalinta.

Soomaaliya ayaa tallaabadan ku muujisay ka go’naanshiyo buuxa oo ku aaddan la jaanqaadka dalalka Afrika ee dhinaca dhowrista xogta iyo ilaalinta xuquuqda dijitaalka ah ee muwaadiniinta.

- Advertisement -

Read more

Local News