28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 20, 2025

Mareykanka oo si yaab leh u bahdilay bayaankii Golaha Wadatashiga Qaranka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, qeybta qaabilsan Arrimaha Afrika ayaa qoraal ay uga jawaabayso war-murtiyeedkii Madasha Wadatashiga Qaranka waxay ku sheegtay in go’aan kasta oo aysan dhammaan Dowlad Goboleedyadu u dhammeyn uusan sharciyad haysan.

“Dhammaan daneeyayaasha khuseeya waa in ay ka qayb qaataan go’aan ka gaarista isbeddelada nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dawladda Mareykanka ayaa u sheegtay Villa Somalia in loo baahan yahay in go’aanada la xariira arrimaha Faderaalka (Maamulada) iyo doorashooyinka ay tahay in laga qeybgaliyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah.

“Go’aannada aan haysan taageero ballaaran waxay noqon doonaan kuwo aan sharciyad lahayn, waxayna carqaladayn doonaan dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga ee taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Si cad ayay Mareykanku u sheegeen in go’aanada aan haysan wadar ogolka iyo wadatashi dhan ay halis ku yihiin daganaanshaha aysan sharciyad dhab ah aheyn.

Go’aanadii madasha ayaa lagu sifeeyey in ay halis ku yihiin Amniga iyo dib u kabashada loogu jiro in looga gudbo marxaladda amni darada.

In la share-gareeyo farriinta afka Soomaaliga ee war-saxaafadeedkii Madasha ee bogga Villa Somalia ayaa ah waji gabax ka dhigan in si toos ah loogu cadeynayo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada in go’aanadan aysan haysan sharciyad iyo ogolaansho loo dhan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News