New York (Caasimada Online) – Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka howlgala xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb-galay wakiillo sare oo ka socday dalal kala duwan, kuwaasi oo ka tirsan beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Qaramada Midoobay.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Daahir Cusman (Baalle) oo erayo kooban ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay Soomaaliya inay mar kale hoggaamiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 54 sano kadib.
Waxa uu xusay in hoggaamintaasi ay astaan u tahay soo kabashada, adkeysiga iyo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay sanadihii u dambeeyay, kaddib duruufo adag oo ay dalka soo mareen.
Sidoo kale, danjiruhu waxa uu tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ay saldhig u tahay xoojinta sarreynta sharciga, ilaalinta nabadda iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah, xilli ay sii kordhayaan xasaradaha iyo ku xadgudubka xeerarka caalamiga ah.
Amb. Abuukar Baalle ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed lagu yaqaan han sare, hal-abuur iyo howlkarnimo, isla markaana ay caqabadaha iyo marin-habaabinta uga jawaabaan midnimo, kalsooni iyo waxqabad joogto ah.
Munaasabadda ayaa lagu soo xiray bandhig faneed ay sameeyeen hoballo Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo bandhigay heeso iyo ciyaaro dhaqameed ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, taas oo si weyn u soo jiidatay marti sharaftii ka qeyb-gashay xafladda, isla markaana ahayd gabagabadii muddadii bisha ahayd ee Soomaaliya hoggaamineysay Golaha Ammaanka.



























