Sawirro: Taleefon halis badan oo laga mamnuucay diyaaradaha Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa walaac gaara ka muujisay isticmaalka telefoonka Samsung Galaxy Note 7, kaasi oo la sheegay in khatar uu ku yahay nolosha isticmaalaha telkaasi.

Maamulada shirkadaha duulimaadyada ayaa ku dhawaaqay in telefoonka Samsung Galaxy Note 7 lala raaci karin diyaaradaha Mareykanku leeyahay.

Waaxda gaadiidka oo kaashanaaya Maamulada shirkadaha ayaa isticmaalka telefoonkaashi ku sheegay mid halis galinkara nolosha shakhsiga iyo duulimaadka ay ku jirto diyaarada.

Mamnuucida la safrida telefoonka Samsung Galaxy Note 7, ayay ku sheegen sababo la xiriira cabsi laga qabo xaga bed qabka, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in telefoonka uu dab ka kacay.

Waxa ay sheegen in amarka lagu mamnuucay isticmaalka telefoonka Samsung Galaxy Note 7, uu yahay mid saameyn doona xitaa Saraakiisha ka howlgasha diyaarada kuwaasi oo qudhooda aan loo ogolaan doonin wixii hadda ka dambeeya inay dayaaradaha la fuulaan, ama shandadahooda ku ritaan.

Mamnuucida telefoonka Samsung Galaxy Note 7, ayaa kusoo beegmeysa xili todobaadkii hore ay shirkadda Samsung hakisay samaynta iyo iibinta telefoonkaas.

mobil-1

mobil-2

mobil-3