“Xishoodkii ayay ka tageen, waxa ay siyaasada moodaan nin jecleysi iyo caadifad”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhaliilo kala duwan ay Siyaasiyiinta kasoo horjeeda DFS u jeedinayaan Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa arrintaani ka hadlay Salaad Cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta khilaafsan qaabka loo dhisaayo maamulka Hir-Shabeele.

Salaad Cali waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in DFS ay dhaqan iyo caado ka dhigatay faragalinta dhismaha maamulka Hir-Shabeelle.

Salaad Cali waxa uu sheegay in DFS ay gabtay xishoodkii looga baahnaa waxa uuna tilmaamay in meel waliba ay faraha un la galeyso.

”Xishoodkii ayay ka tageen kuwa isku sheegay Madaxda waayo waxa ay kala garan la’ yihiin waxa Qaranka u dan ah iyo waxa iyaga ay rabaan”

”Waxaan qirayaa in faragalin aan caadi aheyn lagu hayo maamulka Hir-shabelle, waxa ay madaxtooyadu wadataa shaqsiyaad gaara oo ay maslaxad u aragto, waa arrin aad u nasiib daran”

”Ma filaayo in Hiiran iyo Jowhar ay yeelan doonaan maamul loo aayo waayo waxa uu bilow ilaa dhamaad maamulkaasi yahay mid musuq-maasuq iyo faragalin ay hareereysay”

Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamay in Madaxtooyada Soomaaliya ay fara galin qaawan ku heyso Dhismaha maamulka Hirshabelle islamarkaana ay damacsan yihiin in dad ay iyagu wataan Madax uga dhigaan maamulkaasi.

Haddalka Salaad Cali Jeele ayaa imaanaya iyadoo min bilow ilaa dhamaad dhismaha maamulka Hir-shabelle uu yahay mid qoorqabad lagu dhisay, waxaana jira beelo dhowr ah oo ay DF xaqirtay jiritaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com