Khilaafka Xasan iyo Dabageed oo ay arrin cusub kusoo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in xal laga gaaray Khilaaf Siyaasadeed baryahaani u dhexeeyay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Khilaafka labada mas’uul ayaa waxaa lagu xaliyay kulan Oct 14, 2016, ka dhacay Madaxtooyada Somalia, waxaana la sheegayaa in Khilaafkaasi markiisa hore uu ka dhashay kala aragti duwanaanshiyaha hanaanka loo maraayo dhismaha maamulka Hir-shabelle ee lagu mideyn doono Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xalinta Khilaafka ayaa waxaa kaalin miisaan leh ka qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana la sheegayaa in ujeedka xalinta Khilaafkaasi uu ahaa sida Yuusuf Dabageed looga reebi lahaa Ugaaska Xawaadle Ugaas Xassan oo waayadaani ay isku xirnaayen.

Yuusuf Dabageed ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad uga soo horjeeday shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xassan iyo Dabageed waxa ay iminka isla fahmeen in laga shaqeeyo qaab waliba oo maamulka Hir-shabelle lagu taageeri lahaa dhameystirkiisa.

Tallaabada labadaani mas’uul lagu dhex dhexaadiyay ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweyne Xassan uu mucaarad farabadan ku abuurtay dhisida maamulka Hir-Shabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com