Xog: Xil noocee ah ayuu Xasan u ballan-qaaday Dabageed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo leyskala soo gudbay Khilaafka ka dhextaagnaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo G/G/Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa waxaa iminka soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Xassan uu Xil u ballanqaaday Dabageed.

Xassan Sheekh oo ka cararaaya in shaqsi kasoo horjeeda Siyaasadiisa uu qabto Gobolka Hiiraan, ayaa waxa uu iminka Yuusuf dabageed uu u ballanqaaday inuu kusii heyn doono xilka Guddoomiyaha G/Hiiraan.

Xassan Sheekh waxa uu Dabageed u ballanqaaday inaan laga qaadi doonin xilka uu hadda hayo, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in Gobolka Hiiraan uusan Guddoomiye ka noqon doonin shaqsi aan isaga aheyn.

Xassan Sheekh waxa uu Dabageed ku amray inuusan ka gaabin ka shaqeynta dhameystirka dhismaha Hir-shabelle waxa uuna sidoo kale u ballanqaaday in haddii uu mar kale xilka kusoo laabto uu isna ahaan doono G/G/Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa miisaan ku dhex leh Gobolka Hiiraan, waxa uuna dhawaan sheegay inuu kasoo horjeedo shirka ka socda magaalada Jowhar, waxa ayna taasi soo dadajisay in ballanqaad uu ku helo caga jugleyntaasi ku aadaneyd ku biiritaanka Garabka Ugaas Xassan.

Lama oga baahida ka danbeysay in Xassan Sheekh uu mar kale xilka G/G/Hiiraan u ballanqaado Yuusuf Dabageyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com