Mucaaradkii ugu weynaa shirka Jowhar oo Jowhar lagu soo dhaweeyay

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar oo ay ka socoto shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa xalay waxaa lagu arkay hogaamiyihii mucaaradka ugu weynaa ee shirka ka waday magaalada Beledweyne.

Gudoomiyihii hore ee maamulka Hiiraan C/Fataax Xasan Afrax ayaa xalay ku hoyday magaalada Jowhar oo ah caasimada maamulka HirShabeele.

C/fataax oo la aamisan yahay inuu waday shirka ka socday magaalada Beledweyne ayaa lagu arkay xarunta maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana socdaalkiisa uu leeyahay wajiyo badan.

Wajiga koowaad ayaa lagu sheegay iney tahay sidii uu qeyb kaga noqon lahaa maamulka cusub ee HirShabeele, waxaana wararka ay sheegayaan inuu wasiirnimo doonayo.

Sidoo kale waxaa maanta la filayaa in magaalada Jowhar ay tagaan gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo xalay si weyn looga sugayay magaalada Jowhar.

Dowlada Soomaaliya ayaa u muuqata iney dhabar jibin ku sameysay maamulkii odayaasha Xawaadle ay doonayeen iney ka dhisaan magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale waxaa wali aan xal laga gaarin is hor istaaga beesha Agoonyar ay ku sameysay shirka ka socdo magaalada Jowhar, kaasi oo ka dhashay musharaxnimada Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Warsangeli Abgaal.

Waxaase muuqata in iminka ay jirto isku dhawaansho, iyadoo la filayo in maanta shirka uu halkiisii kasii socdaa.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com