Fadeexad: Puntland oo warqad been ah oo liidata ka faafisay Cabdi Qeybdiid (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland oo adeegsanaya qaar ka mida warbaahinta Puntland ayaa faafiyay qoraal been abuur ah oo lagu sheegayo in Qaramada Midoobay ay diiday ama joojisay doorashadii Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) loogu doortay Aqalka Sare.

Qoraal la been abuuray oo aad u tayo liita ayay faafiyeen warbaahintaasi oo website-yo kale ay sii faafiyeen, waxaana marka aad eegto warqada la been abuuray ka muuqda inaysan xitaa ahayn mid farsamo fiican leh.

Caasimada Online oo baartay qoraalkan ayaa eegtay dhammaan website-ka UNSOM, Facebook-gooda iyo twitter-kooda, waxaana cad inaysan jirin warqaddan.

Arrintan aaa muujineysa naceybka xooggan ee reer Puntland u qabaan Cabdi Qeybdiid, waxaase is-weydiin mudan saca dhaliyey naceybkan.

Arrimaha noocan ah ayaa ku soo noqnoqday warbaahinta Soomaalida ee wax iskuma falayaasha ah oo caado ka dhigtay inay been abuuraan warar aan jirin oo mararka qaarkood aan macquul ahayn, ayaga oo aan hubsan cidda soo abaabushay warqadaha noocan ah.

Hoos ka arag warqadda been abuurka ah

been-cad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com