Xog: Dhaqaale intee la eg ayaa ku baxay dhismaha saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa faahfaahin dheerad ah ka bixisay Saldhiga Militeri ay dhawaan ka furaneyso Muqdisho, kaasi oo noqonaaya Saldhigii ugu weynaa ee Milliteriga Turkiga ka furto Africa.

Dowlada Turkiga waxa ay sheegtay in Saldhigaasi lagu tababari doono keliya ciidamo Somali oo cutubyo dhowra noqon doona.

Turkiga waxa uu sheegay in dhismaha Saldhigaasi uu ku fadhiyo masaafo dhan 400 Hectares, waxa ayna dowlada Turkiga intaa raacisay in dhismahaasi uu yeelan doono dhammaan qeybaha kala duwan sida Hoolal, Barxado, Bakhaaro, Maktabado iyo Dugsiyo caadi ah oo ay cashirada ku qaadan doonaan ciidamada Soomaalida ah ee tababarka lasiin doono.

Dowlada Turkiga waxa ay sheegtay in dhismaha Saldhigaasi uu markiisa hore bilowmay Bishii March ee sannadkan, waxa ayna ku faantay in dhismihiisa uu wakhti yar qaatay, marka loo eego nidaamka dhismo ee Saldhigyada.

Saldhigaasi ayaa waxaa la sheegay in lagu kharaj gareeyey lacag dhan 50 million oo Dollar, waxaana la furi doonaa bisha Janaayo ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Ninka lagu magacaabo Abubakar Sahin oo ah maamulaha sare ee Shirkadda Dhismaha Guud Istanbul Mogadishu General Construction Company, ayaa wakaalada Turkiga u sheegay inuu xaqiijinaayo in Saldhigaasi halkii marba lagu tababari karo inkabadan Shan boqol oo Askar.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Saldhigaasi uu ku dhow yahay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isla markaana uu 3 KM u jiro Isbitaalka Erdogan ”Ex-Isbitaalkii Digfeer” ee magaalladda Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay maamulaha shirkada dhismaha.

Talaabadaani ay dowlada Turkiga ku fureyso Saldhiga ayaa imaaneysa iyadoo dowlada Turkiga ay noqoneyso dowlada keliya ee u bareertay dhaqaale ka uruursiga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com