Magacyada musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka Hir-Shabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabelle ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Jowhar ay ku doortaan Madaxweynaha maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale, isla hoolka ku dooran doona Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabelle, waxaana iminka magaalada ka socda qabanqaabada doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Magaalada ayaa waxaa lagu daadiyay ciidamo aad u xoogan kuwaasi oo la sheegay inay kabayaan kuwii horay ugu qornaa sugida amniga, waxaana gudaha magaalada ku arkeysaa gaadiidka ciidamada oo gaaf wareegaaya wadooyinka muhiimka ah ee ku dhow dhow goobta ay doorashada ka dhaceyso.

QABASHADA XILKA MADAXWEYNINIMO AYAA WAXAA KU LOO LAMAAYA:

1-Maxamed Cabdi Waare

2-Cali Cabdulaahi Cosoble

3-Cali Maxamed Cararaale

Shaqsiyaadkaani ku tartamaaya Madaxweyninimada ayaa waxa ay deegaan ahaan kasoo jeedan Gobolka Hiiraan, waxa uuna mid waliba xooga saarayaa sida uu ku noqon lahaa Madaxweynaha cusub ee maamulka cusub HirShabelle.

Musharaxiintaani Seddexda ah ayaa waxaa laba kamid ah wata Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

QABASHADA XILKA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA WAXAA U TARTAMAAYA:

1-Cali Guudlaawe Xuseen

2-Cali Taagoow Xuseen

Labadaani Musharax ee u tartameysa Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa midkood wata Madaxweyne Xassan Sheekh.

Labadaani Musharax ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda G/Sh/Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com