Xog: Sidee ayey beesha Xawaadle ku heshay xilka madaxweynaha Hir-Shabeelle

Jowhar (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo bilowday qorshaha dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaa hareeyay diidmo ka imaaneysay Beesha Xawaadle oo diidmo kala hor timid qorshihii madaxweyne Xasan Sheekh.

Labada Beel ee ugu tunka weyn labada gobol oo kala ah Abgaal iyo Xawaadle ayaa isku afgaran waayay inay ceeriinka ku qeybsadaan jagooyinka ugu muhiimsan maamulka la dhisayo, waxayna Beesha Xawaadle markii horeba la soo shir tagtay doodda ah:

1 – In la siiyo xilka madaxweynaha

2 – Caasimadda la siiyo Jowhar

Labadan qodob waxaa iska dhega tiray madaxweyne Xasan Sheekh oo isku dayay inuu arrinta ka dhigo mid mugdi ku socota, waxaana xaaladda uga sii daray wakiiladii uu shirka u xil saartay oo kala ahaa:

1 – C/raxmaan Odowaa (Wasiirka Arrimaha Gudaha)

2 – Mahad Maxamed Salaad (Wasiirka Madaxtooyada)

Labadan mas’uul qaabkii ay ergooyinka u qeybiyeen iyo maamulkii hore ee shirka Jowhar ay la tageen waxay aad u sii fogeysay Beesha Hiiran ugu tunka weyn, waxayna keentay inay shirku galo xaalad jahawareer ah.

Wareegtadii madaxweyne Xasan Sheekh ee caasimadda loogu magacaabay Buuloburte isla markaana xarunta shirka loogu doortay magaalada Jowhar waxay sii kordhisay shakigii beesha Xawaadle oo u krkeysay in loo degay qorshe looga takhalusayo.

Waa marka horee waxay u aragtay in caasimadda laga dhigay Buuloburte ay been abuur tahay oo caasimad KMG ah ay noqoneyso Jowhar, xaaladda degmada Buuloburte awgeed.

Xilka Madaxweynahana uu qaadanayo Abgaal, sidaasina ay labadii awood qeybsi ee ugu muhiimsanaa laga hoos bixinayo.

Doodan maba qarin waxgaradka Beesha Xawaadle, laakiin wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku fashilmay inuu fahmo halka sartu ka quruntay iyo dhibaatada awood qeybsi, taasoo keentay in odayaasha Beesha ay soo nooleeyaan dood ah in Hiiraan ay tahay laba gobol.

8 bilood kadib oo shirku hore u socon waayay, waxaa arrinta la wareegtay IGAD oo keentay qorshe ah in Beesha Xawaadle la siiyo xilka madaxweynaha iyadoo hoos ku wadatay musharax kasoo jeeda beeshaasi, arrintan iyo rajo soo gelisay shirka, haddana arrintu ku socoto.

Caasimadda maamulka cusub ayaa laga dhigay magaalada Jowhar, iyadoo la dardaray wareegtadii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana beesha Abgaal loogu daray xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka loogu magac daray Hirshabeelle.

Awood qeybsiga cusub wuxuu bannaanka dhigay laba beelood oo ku dulman, kuwaasoo kala ah; Beesha Jareer oo xilkii ay fileysay ee Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle ay qaadatay Beesha Gaaljecel. Beesha Gugundhabe ayaa iyaduna bannaanka ku soo dhacday markii caasimadii ay taageersaneyd ee Buuloburte meesha ka baxday.

Inkastoo Ugaas Xasan uu ka cago jiiday inuu si rasmi ah u aqbalo shirka ka socda Jowhar, waxaa la ogayahay inuu ilaa xad la dhacsan yahay xilka beesha u soo hoyday, waxaana hadda socda olole Xasan Sheekh ku doonayo inuu xilka madaxweynaha Hiiraan ku soo baxo shaqsi uu isagu wato isagoo doonaya inuu saacadaha ugu danbeeya afgembiyo musharaxa IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com