Hadal Gaas uu ku yiri R/W CC oo sabab u noqon lahaa in CC uu Muqdisho caro kula soo laabto

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo qudhiisa ka sii dhoofaayay Garoonka.

Ra’isul wasaare Cumar iyo C/wali Gaas ayaa wadahadal kooban qaatay, waxaana Sharmaarke loo sheegay inaanu iminka wakhti loo heynin sidaa darteedna ay diyaarad u taagan tahay Garoonka.

C/wali Gaas oo daqiiqado kooban siiyay Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu u sheegay inuu kusii jeedo dalka Imaaraadka Carabta isla markaana diyaarada u taagan Garoonka ay dharareyso sidaa darteedna uu ka dalbanaayo inuu kusii nagaado magaalada Garoowe inta uu kaga soo laabanaayo.

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu aad u carooday kadib markii uu Gaas kala kulmay erayo aan sidaa usii wanaagsaneyn oo ay kamid tahay ”Inaanu wakhti ay kuwada hadlaan u heyn balse uu Sharmaarke ku khasban yahay inuu sii sugo”

Qodobka labaad ee uu ka Carooday Ra’isul wasaare Cumar ayaa la sheegay inuu yahay kadib markii C/wali Gaas uusan xili hore ku wargalinin inuu safar yahay maadaama uu kasoo tagay howlo farabadan oo qabyo u ahaa.

Safarka Ra’isul wasaaraha Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu ku tagay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inuu yahay dhexdhaxaadinta maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa isagu lagu eedeynayaa inuu sabab u yahay fashilinta wadahadal waliba oo lagu doonaayo in lagu qaboojiyo xiisada ka taagan magaalada Garoowe.

Docda kale, Ra’isul wasaaraha ayaa laga cabsi qabaa in Natiijo uu kasoo hoyin waayo Dagaalka labada dhinac ka dhex oogan, maadaama xalinta Dagaalkaani uu wakhti badan qaadan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com