Dagaal wali ka socda Gaalkacyo iyo xaalada oo caawa ka duwan sidii hore

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa waxa uu caawa ka socdaa magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kadib markii Maanta mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay booqdeen goobtii lagu muransanaa.

Dagaalka caawa socda ayaa waxa uu ka duwan yahay dagaaladii hore waxa ayna labada dhinac isku adeegsanayaan Hubka waaweyn.

Labada dhinac ayaa marba koox looga itaal roonaanayaa dagaalka, waxaana xusid mudan in Hubka ugu badan ee caawa leysu isticmaalaayo uu yahay nooca culus.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka biya diidan waan-waan ay maanta bilaabeen waxgaradka labada dhinac, waxaana adag in halkaasi laga helo xog rasmi ah oo muujin karta khasaaraha dagaalka.

Puntland ayaa waxaa lagu eedeynayaa inay caqabad ku tahay joojinta dagaalka waxaana la sheegayaa in muddo Seddex jeer ay ka biya diiden in dagaalka ay hakiyaan.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku sugan Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C.rashiid oo isagu la cid uu arrinta dagaalka kala hadlo, maadaama Madaxweynaha maamulka uu ka dhoofay magaalada Garoowe.

Lama oga sida uu xaalka noqon doono waxaana wada hadalka lala sugayaa C/wali Gaas oo safar ku maqan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com