Liiska magacyada iyo beelaha xubnaha aqalka sare ee maanta la doortay

Cadaado (Caasimada Online) – Doorashadii Cadaado ee xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta waxaa lagu soo xulay xubnihii ugu horreeyey ee ka mid noqonaya aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanadii ugu horeeyay ee la doortay ayaa noqday:

1 – Abshir Axmed Maxamuud -Bukhaari- Wuxuu ku guuleystay kursigii Beesha Saleebaan H/Gidir.

2 – Xildhibaankii labaad ee Aqalka Sare loo doorto ayaa noqday: Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ku guuleystay kursigii Beesha Sacad.

3 – Xildhibaankii Saddexaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo ku guuleystay Kursigii Beesha Murusade.

4 – Xidhibaan Yuusuf Geelle Ugaas ayaa isna ku guuleystay kursiga Aqalka Sare ee Beesha Duduble.

5 – Samsam Daahir Maxamuud yaa si toos ah ugu soo baxday oo hantisay kursiga Beesha Waceysle ee Aqalka sare kadib markii uu tartanka ka baxay Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo la tartami lahaa.

Saddexda Xildhibaan ee harsan ayaa la sheegay in la dooranayo maalinta beri ah iyadoo doorashada aya maanta ku dhacday si nabadgelyo ah oo heer sare ah.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com