Sawirro: Taliyaha ciidamada lugta oo kulamo ka wada magaalada GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Lugta ee dowladda federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed (Dirir) oo shalay gaaray Gaalkacyo ayaa kulamo looga hadlayo colaadda gobolka Mudug ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

Kulamadan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah taliyaha Qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Janeraal Cabdicasiis Cabdullaahi “Qooje” iyo taliyaha guutada 15-aad, Janeraal Mascuud Maxamed, kuwaas oo ka mid ah saraakiisha tegay Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa kulamadaasi ka qeyb galay odayaasha dhaqanka, waxgarad iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Intooda badan kulamadan ayaa waxaa diirada lagu soo saaray, sidii loo soo afjari lahaa xiisada ka taagan bariga gobolka Mudug, halkaas oo labadii maalin ee la soo dhaafay ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in saraakiisha ka socda dowladda federaalka ay gaaran deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo, si ay u kala qaadaan maleeshiyaadkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ay socdaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaallada dib uga soo cusboonaaday halkaasi.