Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland oo la saftay Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadam Xaaji Cali ayaa la saftay oo dhinaca saaray Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, sida uu sheegay Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali ayaa sheegay oo ku eedeyay in Guddoomiyaha maxkamadda sarre uu la saftay Madaxweynaha xili uu taagan-yahay muran baahsan oo ka dhex aloosan xisbiyada mucaaridka iyo Muuse Biixi, kaasi oo ku aadan arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa si weyn uga biyo diidan xubin kamid komishanka cusub ee Somaliland, kaasi oo si toos ah u shaqo bilaabay loona doortay guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka ee Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa dhowaan komishanka cusub ee muranka badan ka taagan yahay ku hor dhaariyey Madaxweynaha Somaliland, si ay u guddo galaan howlahooda.

Talaabadaasi oo uu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay mid uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  iskaga indho tirey diidmadoodi iyo muranka ka taagan xubnahaasi komishanka, isla markaana uu la saftay Biixi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo Madaxweyne Biixi ay maamul gaar ah oo ku kooban sameysteen, wuxuuna yiri

“Maalintii dhoweyd ee uu muranku jiray waxaan u tagay guddoomiyaha maxkamadda sarre, waxaan ku yidhi ‘Lixdaa qof ee la sameeyay sharcigii lagu soo abuurayna ma fiicneyn, waana la isku haystaaye ee ha dhaarin ban ku idhi’.

Wuxuuna intaas kusii daray “Guddoomiyihii aanu sidaa ku kala tagnay, isagiiba u soo labistay oo dhaariyey, taasina waxay ku tusineysa Ninkii ilaalin lahaa Dastuurka ee madaxweynaha qaban lahaa, isagiiba dhaariyay. dabadeedna intan telefoon u soo direy ban ku idhi ‘Dal gaar ah baa sameysateen ee bal xuduudihiisa ii soo sheega”.

Maalmihii u dambeeyay waxa cirka isku sii shareeray xiisadii ka dhex aloosneyd xisbiyada mucaaridka ee Somaliland iyo Madaxweyne Biixi, kadib markii xisbiyada mucaaridku ay iska diideen, kana hor yimaadeen shir deg deg ah oo uu ugu baaqay Madaxweyne Biixi.