Xog: Kheyre oo faro-geliyey loolanka ka dhex socda Goodax iyo Maareeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa toos u faro-geliyay khilaafka wasiirada waxbarashada iyo warfaafinta Soomaaliya, kaas oo salka ku haayo guddi uu magacaabay wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Maareeye ayaa qoraal uu Axaddii soo saaray ku gacan seeray wax kama jiraanna ku tilmaamay Guddiga Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska oo isla maalinkaas uu dhisay wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

Qoraalka Maareeye ayaa ku dooday in Wasaaradda Waxbarashadu “ay dhistay guddi hal dhinac ah oo aanay cidna kala tashan, iyadoo Masuuliyadihii Gudigaas u dhiibtay dad aan ka socon Hay’adihii Dawladda iyo kuwii Bulshada ee xirfad ahaan iyo Mas’uuliyad ahaanba doorka ku lahaa.”

Maareeye ayaa ku dooday in sida ku cad magaca iyo mandate-ka labada wasaaradood, “wasaaradda warfaafintu ay leedahay masuuliyadaha gudiga ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka (information and culture) maadaama ay maamusho warfaafinta dalka, golaha murtida iyo wacyigelinta., iyo hobolada iyo abwaaniinta dalka, halka wasaaradda waxbarashaduna leedahay mas’uuliyadaha waxbarashada iyo hidaha (education and heritage).

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay Kheyre uu ku amray wasiirka warfaafinta in joojiyo baahinta wararka quseeya khilaafka labada dhinac oo arrintan ay ahaato mid aan dibedda u bixin.

Goodax Ayaan u jawaabin Maareeye, waxaana ilo-wareedyo ku dhow ay Caasimada Online u sheegeen inuu sidaas sameeyey kadib markii Kheyre uu ka codsaday, maadaama jawaabtiisa kasii dari karto xiisadda labada dhinac.

Labada masuul ayaa la filayaa in ay la kulmaan ra’iisul wasaaraha islamarkaana la dhameeyo khilaafka ka dhashay guddigan sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda.