Buuloburde (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar (Khaalid) ayaa xerada Dab iyo Dhagax ee qeybta 27-aad oo ku taalla magaalada Buuloburde kulan kula qaatay Taliyaha qeybta 4-aad ee howlgalka xasilinta iyo tageerada midowga Afrika (AUSSOM Col. Saciid Waaberi oo ay weheliyaan tmTaliyaha Guutada 11-aad ee Ciidamada Jabuuti Col. Maxamed Axmed Yuusuf iyo saraakiil kale oo booqasho ku tegay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Qeybta 27-aad Col. Cabdullahi Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM .
Arrimaha looga hadlay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo sii laba jibaari lahaa howlgallada ka dhan ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Hiiraan iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM.
Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AUSSOM, kuwa Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay deeganno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dagaaladii dhacay khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey argagixisada.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaalka Al-Shabaab uu ka hoggaaminayey.
Sidoo kale Ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ayaa kaalin lixaad leh ka qaatay dagaalka, iyagoo hubka culus ku garaacay Al-Shabaab, taasi oo fududeysay in goobihii lagu dagaalamay ay isaga cararaan.
Ciidamada Macawiisley ee dadka deegaanka ayaa door lixaad leh ka qaadanaya dagaalka Hiiraan looga saarayo argagixisada, waxaana taariikhda gashay sida dadka reer Hiiraan ay ugu dhiiran yihiin inay iska xoreeyaan cadowgooda.
Dagaaladii ugu cuslaa oo Hiiraan ka dhacay toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa lagu xoreeyey deegaano muhiim ah, kooxda Al-Shabaab oo dagaalka ku jabtay ayaa galbeed u dhaaftay Wabiga Shabeelle, waxaana hadda la abaabulayaa howlgalkii looga talaabi lahaa wabiga.