SSC oo dib u hawl-galisay warshad weyn oo ku bur-burtay dagaalka + Sawirro

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabadda dib-u-howl-galinta warshadda biyaha Laascaanood, taasi oo ku bur-burtay intii uu socday dagaalkii Laascaanood ee u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Warshaddan oo ah mashruuca biyo nadiifinta ee guud ahaan ugu weyn dalka Soomaaliya, sida uu sheegay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, ayaa waxaa markii hore maal-geliyay ganacsatada deegaanka, kuwaas oo markale burburkii kaddib dadaal ku bixiyay dib-u-dhiskeeda.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa uga mahad-celiyay ganacsatada waqtigooda iyo hantidoodaba geliyay hirgelinta warshaddan muhiimka ah.

Sidoo kale, wasiirka biyaha iyo macdanta SSC-Khaatumo, Xildhibaan Cali Warsame Dhakaawe ayaa xusay in shirkaddani ay noqon doonto hanti ay wada leeyihiin shacabka iyo dowladda, iyadoo loo maamuli doono habka iskaashiga dowlad iyo ganacsato (Public-Private Partnership).

Ugu dambayntiina, hoggaamiyaha ayaa caddeeyay in xukuumaddiisu ay ku taagan tahay mabda’a isku-tashi, islamarkaana aysan cid kale ku tiirsanayn, isagoo xusay inay muhiimad gaar ah siinayaan ka qeyb qaadashada mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaanka.

Tan iyo markii ay gacan ku haynta magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool la wareegtay SSC-Khaatumo waxaa si tartiib ah usoo laabanayay adeegyada muhiimka ah, iyadoo dib u dhis lagu sameeyay goobo bixin jiray adeegyo muhiim ah oo kamid ah shirkadda maanta dib loo hawl-galiyay.