Sawirro: Ergeyga cusub ee uu magacaabay XASAN oo qaaday tallaabadii u horeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA.

Waare ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda.

Ergeyga iyo guddoomiyaha ayaa wada qaatay kulan saacado qaatay, iyaga oo ka wada-hadlay xaalada guud ee dalka iyo qoddobo kale oo muhiim ah.

Kulankaan ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saaray sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegaanadii kooxda Al-Shabaab laga saaray iyo wada-shaqeyn dhexmarta hay’adda iyo xafiiska ergeyga.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa ergeyga ka xogsiiyey shaqada hay’adda oo muddo kooban jirta waxa u qabsoomay.

Ugu dambeyntiin waxa uu ergeyga kaga mahad-celiyay madaxda hay’adda SODMA soo dhawaynta loo sameeyay, isaga oo ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in xafiiskiisa iyo hay’addaan ay yeeshaan wada-shaqan xooggan.

Wada-shaqeynta cusub ee SODMA iyo xafiiska ergey Waare ayaa ku qotomta sidii gargaar loola gaari lahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegannada iyo degmooyinka la xoreeyay, sida uu sheegay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishaan u magacaabay Waare xilkan cusub ee uu hadda ku howl-galayo, wuxuuna hadda ka shaqeynaya sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegaanadii kooxda Al-Shabaab laga saaray.