Xubno Al-Shabaab ah oo qorshe halis la damacsanaa ATMIS oo lagu laayay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duleedka Jannaalle gobolkaasi lagu laayay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inay fuliyaan qorshe ka dhan ah ciidanka ATMIS.

Ciidanka xoogga dalka ayaa laayaay xubnahaasi Shabaab-ka oo la sheegay inay doonayeen inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa laga soo xiganayaa inay halkaas ku dileen ugu yaraan 10 dagaal-yahaan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka Soomaaliya.

Isku-deyga Shabaab ee la fashilayay ayaa imaanaya xilli ay dib u billowdeen howl-galladii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda, kuwaasi oo ay dowladda ka sheegatay guulo horleh.

Dowladda ayaa sheegtay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, uuna si hordhac ah u billowday wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inay qeyb ka noqdaan ciidan ka socda dalalka deriska.

“Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saaka ciidamada Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka Budbud oo ay muddo ka talineysay Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada marka ay la wareegeen magaaladaasi ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab sii baacsadaan ilaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur.