Xogta dagaal culus oo galabta ka dhacay duleedka Galcad

Galcad (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Galcad iyo Ceel-bacad oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, kadib markii ciidanka xoogga dalka ay weerar ku qaadeen Shabaab halkaas isku uruursanayey.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war-heleen koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursaneysa deegaan lagu magacaabo Gal-libaax, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Kooxda la weeraray ayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay weerar cag-marin ah ku qaadaan ciidanka dowladda ee dhawaan la wareegay Galcad, balse waa la fashiliyey qorshahaas, sida ay saraakiishu noo sheegeen.

Inkastoo saraakiishu aysan shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, hadana kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay waxay sheegtay inay dagaalkaas 8 askari uga dileen ciidamada dowladda, balse weli lama cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas oo soo gaaray Af-furkii.

Ciidanka xoogga dalka ayaa galabta ku guuleystay inay kooxda Al-Shabaab ka saaraan dhulkii howdka ahaa oo ay isku uruursanayeen, waxayna u kala firxadeen dhowr jiho, sida ay saraakiishu u sheegeen Caasimada Online.

Ciidamada dowladda ayaa caawa ku sugan firiisimihii ay Al-Shabaab ka sameysteen degaanka Gal-libaax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxaana laga hor tegay qorshihii ay kooxdu ku dooneysay inay weeraraan Galcad.

Dagaalka galabta dhacay ayaa ku soo aadaya xilli maanta ay ciidanka xoogga dalka gudaha u galeen deegaanka istaraatiijiga ah ee Budbud oo ah deegaan ku wacan dalxiiska oo hoos taga degmada Ceeldheer.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku guul-dareysatay inay difaacato deegaanadii ay sanadaha badan maamuleysay ee gobollada dhexe, waxayna deegaan kasta ka baxaan markii ay ka war helaan inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda.

Ciidankii ay dowladda Soomaaliya ka dirtay Muqdisho ayaa ka talaabay Sh/Dhexe, iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin Al-Shabaab ayey gudaha u galeen Galgaduud, waxayna hadda waqooyi-galbeed u dhaafeen degmo xeebeedka Ceeldheer.

Maalmaha soo socda waxaa la qorsheynaa in ciidankaan ay xoreeyaan degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaano kale oo muhiim ah, sida Ceelgaras iyo Ceel-lahelay oo sanado badan ay Shabaab xukumayaan.