Dagaal culus oo ka qarxay Sudan iyo Soomaali badan oo ku go’doonsan Khartuum

Khartuum (Caasimada Online) – Caasimadda dalka Sudan Khartuum waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo ciidamo gaar ah oo loo yaqaano Dacmu Sariic ama gurmadka degdega ah.

Labada ciidan ayaa daacad u kala ah Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan.

Xaaladda Khartuum ayaa ah mid cakiran, waxaana uu dagaalka xooggiisa ka dhacay garoonka diyaaradaha, inkastoo milateriga uu sheegay inuu si buuxda gacanta ugu hayo madaarka.

Soomaali u badan arday ayaa ku nool Khartuum, waxaana kamid ah Axmed British oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadiisa.

Waxa uu sheegay in lama filaan ay u ku noqotay in dagaal culus uu ka qarxo gudaha Khartuun xilligan, gaar ahaan iyadoo lagu jiro tobanka maalmood ee u dambeeya bisha Ramadhaan.

“Duqeyn xooggan ayaa nagu socota, guryaha kama bixi karno. Layr iyo biyo waan haysannaa, balse lama oga sida uu xaalka noqon doono. Dadku waa ay ka walaacsan yihiin waxa socda,” ayuu yiri Axmed British oo sidoo kale Sudan uga soo warrama Telefishinka dowladda Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku sii daray in ilaa haatan aan la sheegin cid Soomaali ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka, ardayduna ay ku sugan yihiin guryaha jaamacadaha iyo deegaannadooda.

Hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka, dhaawacana uu intaa ka badan yahay.

“Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Cumar Al-Bashiir, waxaa aad isu dhintay tirada ardayda Soomaalida ah ee Sudan wax ka barata. Waxaan kamid ahay dufcadaha ugu dambeeya ee ka sii tegaya jaamacadaha Sudan,” ayuu hadalkiisa raaciyay weriye Axmed British.

Jaamacadaha Sudan ayaa waxaa ka soo baxay Soomaali badan oo qaarkood ay maanta xilal muhiim ah ka hayaan dowladda Soomaaliya. Dagaalka ayaa ka socda dhowr aag oo ku yaalla caasimadda Khartuum.

Milateriga ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamada gurmadka degdega ah ay weerarreen taliska dhexe ee Khartuum, inkastoo xooggagaas ay beeniyeen eedeynta loo jeediyay.

Madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo xarunta warbaahinta qaranka ayaa kamid ah meelaha ay sida xooggan rasaastu uga dhacayso.

Waxaa la arkayay diyaaradaha dagaalka oo gantaalo la dhacaya goobo la rumaysan yahay in ay ka dagaallamayaan ciidamada gurmadka degdega ah.