Daawo: Biixi oo ka warbixiyey dagaallo culus oo maanta dhacay iyo qorshaha socda

Galcad (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadalay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo hadda ka socda bariga gobolka Galgaduud, “Wajigaan waa ka abaabul iyo awood badan yahay wajigii koowaad, ciidanka maanta dagaalamayana cadow ma hor istaagi karo,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Jeneraal Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in afar maalmood oo lasoo dhaafay ay ku soo jireen howlgal culus oo lagu xoreeyey dhul aad u baaxad weyn oo dhaca xuduuda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Shabaab maanta ay ku laayeen dagaal ka dhacay duleedka Galcad, “Maanta waxay noo aheyd maalin guul, dharbaaxo weyn ayaa ku dhacday Khawaarijta,” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa ciidankaan dagaalamaya iyagoo Sooman wuxuu ugu laab-qaboojiyey in guushu dhowdahay oo deg deg loo soo afjarayo kooxda, isagoo sheegay in xog badan uu ka hayo tabar-darrada heysa Al-Shabaab.

“Maanta ciidankeenu wuxuu joogaa dhul aad u muhiim ah, tusaale waxaa idinkugu filan Budbud oo maanta aan qabanay waxay isku socodka Khawaarijta u ahayd muhiim,” ayuu yiri.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay Budbud lagu samey jiray qaraxyada oo madaxda ugu sareysa Al-Shabaab ay deganaayeen, “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa ciidanku wuxuu ku socdaa si xowli ah, waxaana ku ciidi doonaa magaalooyin waaweyn oo hadda ka maqan gacanta dowladda,” ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa u mahad celiyey shacabka oo uu sheegay inay ku garab siiyeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, “Maalin kasta waxaa xogta na siiya dhacabka, ilaa Ceelbuur kuwa naga soo wacaya waxaan leenahay deg deg ayaan idiin soo gaareynaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Xogta ugu muhiimsan ee shacabka ay ka helaan ayuu ku sheegay miinooyinka ay wadooyinka geliyaan, oo sida uu sheegay ay marar badan uga badbaadeen gacan siinta ay ka helayaan shacabka.

“Waxaan idiin sheegayaa in maanta Shabaab lagu laayey Janaale, dhacdo taariikhi ah ayaa maanta dhacday, waxay jidka u galeen ciidanka ATMIS, waxaana u gurmaday guutada 14-ka October, waxaana halkaas lagu gumaaday cadowgii, waan u hambalyeynayaa ciidanki maanta howshaas qabtay,” ayuu yiri Biixi.

Hoos ka daawo