Mareykanka, M/Afrika iyo IGAD oo baaq deg deg ah ka soo saaray dagaalka Sudan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya dalalka iyo dhinacyada kala duwan ee dalbanaya in la joojiyo dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Khartuum ee caasimada Suudaan, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda la magac baxday ciidamada gurmadka deg deg ah ee Suudaan ee loo soo gaabiyo RSF.

Dowladda Mareykanka, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa si kala goon-gooni ah ugu baaqay in si deg deg ah loo joojiya collaada ka istaadhmatay caasimadda dalka Suudaan, taasi oo durtaba laga soo warinayo khasaare horleh.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda murugsan ee ka taagan halkaasi, wuxuuna dhinacyada isku haya maalintii labaad magaalada Khartuum ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka, jawigana lagu soo dabaalo nabadgelyo.

Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa isaguna qeyb ka ah baaqyada nabadeed ee loo jeediyay dhinacyada isku haya halkaasi, isaga oo xasuusiyay in aysan marnaba ka tallaabin xeyndaabka nabad-galyada, islamarkaana ay miiska wada-hadalka iskugu imaadan, si ay xal uga gaaraan waxxa ka dhaxeeya.

Sidoo kale xoghayaha fulinta urur-goboleedka IGAD, Dr Workneh Gebeyehu ayaa waxa ku baaqay in dhinacyada hubeysan ee Suudaan ku hardamaya ay ilaaliyaan xasilloonida, iyada oo colaadda lasoo afjaro, lagana wada-hadlayo dhamaan waxyaabaha la isku hayo ee keenay gacan ka hadalka.

Waxaa qasan xaaladda magaalada Khartuum, waxaana lasoo warinaya in dagaalka uu sii fiday, iyada oo jugta madaafiicda culus aroornimadii maanta laga maqlayay Omdurman, oo kaabiga ku haysa magaalada Khartoum iyo Bahri oo iyadana ku dhow.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla badda cas. Dadka deggan Khartoum ayaa sheegay inay argagax iyo cabsi ku dhacday iyadoo mid ka mid ah uu tilmaamay in rasaas lagu soo riday guriga deriska la ah.

Ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum.

Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn. Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan hawl-maalmeedkooda.

Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

Xooggaga Dacmu Sariic ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex garoon, hooyga taliyaha ciidamada iyo madaxtooyada, hase yeeshee waxaa sheegashadaas beeniyay hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo u warramay telefishinka Al-Jazeera.