Sawirro: Wafdi culus oo Turkish ah oo Muqdisho yimid iyo ujeedkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Turkey ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maanta, waxaana soo dhaweeyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Qalabka sida ee Turkey iyo masuuliyiin kale ayaa qeyb ka ah wafdiga maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo wadahadalo la yeelanaya madaxda dowladda Soomaaliya.

Masuuliyiintaan ayaa sheegay in ujeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay dardar gelinta taageerada dowladda Turkey ay siiso ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Difaaca dawladda Turkiga iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho in kulamo kala duwan ay la qaataan Madaxda sare ee dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kulamadaasi oo looga hadli doono dib u dhiska Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.