Sawirro: Wafdi ka socda baarlamaaka Uganda oo maanta tagey Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wafdi ka socda Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa maanta socdaal ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wafdigan ayaa isla maanta waxay kulamo kala duwan la yeeshen Guddiyada Golaha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland, kuwaasi oo ay warbaahintu dibad-joog ka aheyd.

Kulamadan ay wada yeeshen Xildhibaannada ka socday Baarlamaanka Uganda iyo Guddiyada Baarlamaanka Somaliland ayaa markii ay soo idlaaden waxa faah-faahin ka bixiyey Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibeda ee Golaha Wakiilada Somaliland.

“Waxaanu uga warranay inay Somaliland doonayso inay noqoto Dawlad Cagaheeda ku taagan, doonayna inay dib ugu noqoto khilaafaadka Soomaaliya ka jira” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Kijaandhe.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Uganda oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in marka ay dalkooda dib ugu laabtaan ay Baarlamaankooda u sharaxi doonaan waxyaabaha ay ku arkaan Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu nuqul ka hadlaya ujeeddada socdaalkooda Somaliland iyo waxyaabihii ay ku arkeen ay u gudbi doonaan Wasiirka Arrimaha dibedda Uganda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com