Maxaa ka jira in Sadaam Xuseen uu weli nool yahay?

Baqdaad (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Baraha Bulshada la wareejinayey Aqbaar ku saabsan inuu weli nool yahay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadam Hussein.

Dadka Baraha Bulshada ku faafinayey warkaan ayaa waxay isticmaalayeen waraaq la sheegay inay qortay Gabadha uu dhalay Saadaam ee lagu magacaabo Ragad Sadam Husseen.

Gabadha uu dhalay Sadam oo farriin soo dhigtay Barta ay ku leedahay Twitterka ayaa sheegtay in warka iyada la sheegay in laga soo xigtay uu yahay mid aan xaqiiq aheyn isla markaasna ay faafinayaan dad dano gaar ah ka leh.

Warka laga faafiyey gabadhaan ayaa wuxuu u qornaa sidaan ” Aabahey Maalin kasta wuu ila soo xiriiraa, wuu nool yahay wuxuuna kusoo laaban doonaa mar kale xukunka Dalka Ciraaq”.

Gabadha ayaa si cad u beenisay warkaan, waxayna arrintaan kusoo aadeysaa xilli uu Qareenkii Sadam Xuseen uu sheegay in qofka la daldalay uusan isaga aheyn balse ay CIA-da Mareykanka dilka ku fuliyeen qof isaga u eg sida uu isaga hadalka u dhigay.

Saadaam Xuseen oo Xukunka dalka Ciraaq soo hayey intii u dhaxeysay 1979 illaa 2003, ayaa waxaa la daldalay Bishii December ee sanadkii 2006 Markaas oo  Mareykanka iyo xulafadiisa ay weerar ku qaadeyn dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Baqdaad 
caasimada@live.com