Sawirro: Wafdi ka socda DF iyo QM oo gaaray Beledweyne + Ujeedka

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa waxaa ku wehlinaya ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna isku-duwaha arrimaha bini’aadannimada George Conway.

Masuuliyiin uu horkacaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufuroow ayaa garoonka diyaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyey wafdigaan.

Waxay intaas kadib kulan la qateen madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, iyada oo looga warbixiyey xaalada Baledweyne, cabsida ay ka qabaan fatahaado iyo dhibatadii ka dhalatay qaraxyadii Beledweyne Al-Shabaab ka gaysatay.

Sidoo kale waxaa guddiga warbixin laga siiyay xaaladaha ay wajahayaan barakacyaasha ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah indha-indheenta iyo u kuurgalida xaladaha bini’aadannimo ee gobolka ka jira, u diyaar garowga digniinaha xalaada El-Niño, taas oo wata fatahaado iyo daadad culus.

Wafdiga ayaa intaas kadib waxay kormeereen kaamamka barakacyaasha ee ku yaal gudaha magaalada, waxaana mid mid ula kulmeen qoysaska ku nool iyagoo ka xog wareestay xaaladooda.

Sidoo kale wafdigaan ayaa waxa ay booqdeen goobaha biyo mareenada ah iyo goobaha uu ka jilicsan yahay webiga markastana ka fataho.