Sawirro: Wasiirka cusub ee ganacsiga oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Waxaa geilnkii danbe ee maanta garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo degay wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Soo dhoweynta wasiirka ayaa waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan golaha wasiiradda, xildhibaanada labada aqal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo soo dhoweynta wasiirka cusub u kala harin.

Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo warshadaha oo markii la magacaabayay howlo shaqo ugu maqnaa Nairobi ayaa hadal kooban oo uu dadkii soo dhoweeyay kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu mahad celiyay soo dhoweynta diiran maadaama iyadoo bil ramadan tahay waqtiggooda soo hureen.

Eng. C/llaahi wasiirka cusub ayaa la filavaa in maalmaya soo socda uu si rasmi ah xilka ula wareego.

Taariikh kooban iyo waxqabadkii wasiirka cusub

Eng. Cabdullahi Cali Xasan wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaaliyeed ee bulshadiisa waxtarka muuqda u qabtay xiliyadii adkaa ilaa haddana u istaagan haqabtirka baahida bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca aqoontiisa iyo waxqabadkiisa marka laga soo tago waa waxaa lagu tiriyaa inuu yahay shaqsi diinta ku dhegan waxaana si weyn loogu xasuustaa inta badan in uu waqtigiisa u soo huray u adeegidda shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee nidaam la’aanta iyo dhibaatooyinka xanuunka badan lagu guda jiray. Mudadii aadka u fogeyd ee uu ku lug lahaa arimaha samafalka iyo gargaarka bani’aadanimada waxa uu wax la taaban karo u qabtay shacab farabadan oo Soomaaliyeed oo aad u liitay kuwaaasi oo u badnaa haween, caruur iyo dad da’ ah. Waxaa xusid mudan in waxyaabihii uu dalka ka fuliyay sida mashaariicda wax ku oolka ah ee la xiriira arimaha gargaarka degdegga ah oo muhiim u ah badbaadinta nolosha dadka rayidka ah ee saameeyeen abaarihii iyo dagaaladii aadka u darnaa ee xiligaasi dalka ka jiray.Wuxuu ka mid ahaa maamulkii sare iyo madaxii fulinta mashaariicda Daikonia, Bread for the World iyo  oo markii danbe loo badalay Daryeel Bulsho GUUD, mudadii uu ka soo shaqeyay hay’adaha  waxa uu ku lug lahaa fulinta in ka badan 70 mashruuc oo wax ku ool ah oo isagu jiray dhinaca gargaarka degdegga ah, waxbarashada, wax soosaarka beeraha, biyaha, korontada  iyo dhismaha suuqyada, shaqo abuurista iyo kuwa kale oo kor loogu qaadaayo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Eng. Cabdullahi Cali Xasan markii uu aasaasay Hay’adda waxbarashada iyo horumarinta ee CED ayaa hay’adda waxa ay ku guuleysatay iney daboosho baahida dad badanoo Soomaaliyeed oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomoaliya. Mudadii aadka u fogeyd ee Eng. Cabdullahi Cali Xasan Agaasimaha ka ahaa Hay’adda CED waxay fulisay in ka badan 83 mashruuc kuwaasi oo si  buuxda wax uga badalay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.Eng. Abdullahi mudadii uu ahaa Agaasimaha CED wuxuu ku guuleystay in CED la shaqayso oo taageero iyo maalgelin ay ka hesho dalalak deeqda bixiya, Hey’adaha hoos taga Qaramada Midoobay iyo kuwo caalami ah oo ay ka mid yihiin  Dowladaha  Holland, Ingiriiska, Sweden, Maraykanka, Norway, Denmark, Finland, Jarmalka iyo Hey’ado Qaramada Midoobay sida FAO, UNDP, UNHCR, UN-OCHA, UNICEF, UNDEF iyo Hey’adaha caalamiga ah ee kala ah: Oxfam, CARE INTERNATIONAL, SOMALI STABILITY FUND (SSF) & EUROPEAN UNION (EU).

Mashaariicda ay fulisay  hay’adda CED uu hormuudka ka ahaa ahaa Eng.  Cabdullahi Cali Xasan celcelis ahaan waxaa lagu qayaasaa in ay wax ka badaleen nolosha in ka badan 4.2 milyan oo qof Soomaali ah oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, Eng. Abdullahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee 2017-kii, balse u tanaasulay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo xiligii lagu jiray ee kala guurka.

W/qoray: Cali Muhiyaddiin Cali

Muxiyaddiin@hotmail.com