Somaliland oo u baroor-diiqeysa hogaamiyihii ugu da’da weynaa + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa u baroor-diiqeysa hogaamiyihii ugu da’da weynaa dowladeeda, Xaaji C/kariin Xuseen Yusuf oo loo yaqaanay Xaaji Cabdi Waraabe.

Cabdi Waraabe oo da’diisu tahay 122, ayaa maalintii jimcihii ku geeriyooday Hargeysa International Hospital, kaasi oo mudooyinkii u dambeeyay lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad.

Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxa uu ahaa xubin muhiima oo kamida Golaha Guurtida Somaliland, isagoona astaan u ahaa nabada iyo nabadeynta deegaanada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo deegaanka Toon oo dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimadda Hargeysa maanta loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo shalay geeriyooday.

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo kamid ahaa haldoorka iyo tiir-dhexaadka ugu miisaanka culus qaranka Somaliland iyo guud ahaan deegaannada Soomaalidu degto, ayaa waxa ka qayb-galay badiba haldoorka magaca iyo maamuuska ku leh Somaliland iyo guud ahaanba bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, madax-dhaqameed, garaaddo, salaadiin, ganacsato, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo meelo kala duwan oo dunida ah isaga yimi, waxana janaasada laga akhriyey hadallo ku saabsan samo-talisnimadii uu marxuumku caanka ku ahaa iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu kusoo qaatay nabadayntii iyo Aas-aaskii Somaliland.

Xubno isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin, wasiirro iyo safiirro dalalka deriska ka yimi iyo kuwo xubno ka ah xukuumadda Somaliland, qaar kamid ah hoggaanka axsaabta qaranka iyo waxgarad kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sharraxay kaalintii mucda lahayd ee uu marxuumka Xaaji Cabdikariin kasoo ciyaaray nabadaynta iyo walaalaynta shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha, waxana ay ka markhaati kaceen adkaysigiisii iyo sidii uu ugu ban baxay danta guud.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo kelmado kooban oo uu ku sharraxayo taariikhda marxuum Xaaji Cabdikariin ka jeediyey janaasada dusheeda, ayaa sheegay inuu marxuumku waqtigiisii iyo noloshiisiiba u huray islaaxa iyo walaalaynta bulshada, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, wuxuuna yiri

“Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa. Xaaji Cabdi waxa aynnu kusoo koobaynaa waxa uu ahaa samo-wade murti-dhaadhi ah, dad wad leh, ummadda isu jiida, intii uu noolaana noloshiiisa u huray nabadayn, walaaltinimo iyo islaax ku dhammaystay, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo”.

Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo cimrigiisa lagu qiyaasay in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) sano, ayaa xubin ka ahaa golaha guurtida Somaliland, waxana uu ahaa astaan nabadeed oo waqtiyo adag qaranka kala soo dabbaashay marxalado qallafsan oo lasoo maray, iyada oo dadka maanta Aaskiisa ka qaybgalay uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweyne-ku-xigeenno hore, isimmo iyo garaaddo ka yimi dalalka deriska iyo haldoor tiro badan oo reer Somaliland.

Dhinaca kale, Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxa uu aduunka caan ka sii noqday markii ay waraysatay idaacada BBC-du haweenayda Falanqaysa arimaha Soomaalida ee Mary Harper ay ka sii daysay BBC World Service 2012-kii in Xaajigu Uu Xasuusto Caleemo Saarkii Boqorada Queen Elizabeth II 1953-kii.

Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa xiligaa ahaa 115-jir, kaas oo markii uu 12 jirka uu ahaa loo doortay inuu beeshiisa hogaamiyo ayaa waxa uu yiri “Si Wanaagsan ayaan u xasuustaa Boqorada. Xaqiiqdii waxaan xasuusta aabaheed King George VI 1937-dii. Abtigay ayaa ka qaybgalay xafladii caleemo saarka ee London”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com