Sababtii shirka Garoowe uu u fashilmay ka hor inta uusan billaaban

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa isugu tagay hogaamiyaal leh Awood siyaasadeed aragtidoodana ay aad u kala fogtahay, waxayna xaaladda u muuqatay in Shirkaas aysan heshiis ku gaari karin dhinacyadii Kulmay.

Falanqeeyaasha Arimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka in Garowe ay ku kulmeen hogaamiyaal mid kasta wata dan gaar ah, islamarkaana aysan midkoodna ka suurta gelin tanaasul iyo dabacsanaan Siyaasadeed, waxayna arintaasi hormuud u noqotay Guul darrada Shirkii Garowe.

“Hogaamiyaasha Shirkii Garowe u dhexeeyay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada waxay isku maan-dhaafeyn arimo aan ka tarjumeynin dan guud balse u muuqda kuwa dan gaar ah ka tarjumaya” aqoon-yahaan Xersi Iimaan oo la hadlay Caasimada Online.

“Hogaanka Dowladda Soomaaliya ma yaqaanaan Tanaasul iyo in ay yihiin madaxdii dalka oo ay u dhaqmaan sida Hooyo” ayuu yiri Xersi Iimaan oo mar wareysi siiyay Caasimada Online

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in ay raadinayaan sidii ay ku soo laaban-lahaayeen, balse aysan ka fekeraynin maslaxad guud iyo in dalka uu hore u socdo

Sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa lagu eedeeyay in aysan ku salaynin doodooda arimo ka hadlaya dan guud balse ay ka fekerayn sidii ay ku soo laaban lahaayeen hogaanka maamuladaasi ama ay usii maamuli lahaayeen.

Markii la isu geeyo dhamaan hogaamiyaasha halkaasi ku kulmay iyo sida ay wax u wadaan ayaa waxaa muuqata in Soomaliya ay ku sii dhacayso ceel-fog oo aan dhowayn lamana oga cida ka hor istaagi doonto dhibaatada dalka loo hor-seedayo taas oo ka imaaneysa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com