Xildhibaan Zakariye: Kheyre iyo Farmaajo dalkaan ma hogaamin karaan tallaabo adag ayaan ka qaadeynaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacado kadib markii uu fashil kusoo dhamaaday kulankii Garoowe uga socday Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ayaa waxaa arrintaas ka hadlay qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si weyn uga hadlay Shirkii Fashilka kusoo dhamaaday ee ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan hoggaamin karin Soomaaliya, islamarkaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaadi doonaan tilaabo deg deg ah.

Wuxuu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka nijad jabsan yihiin Fashilka shirkii Garoowe, wuxuuna eedda dusha uga tuuray madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Wuxuu is cadi sheegay inuu fashilmay system-kii Dowladnimo ee ka jiray Soomaaliya haddii ay ahaan laheyd heer Gobola iyo heer Qaran.

Xildhibaanka ayaa xusay in ay tahay nasiib daro weyn in Madaxdii maamul goboleedyadda iyo Madaxweynaha dowladda dhexe ay heshiis gaari waayaan Muddo 7 maalmood ah.

Wuxuu is waydiiyey waxa laga sugayo madaxda Soomaalida ee ku shiray  Garoowe haddiiba ay ku heshiin waayeen inay dalkaan maamulaan oo ay shacabka Soomaaliyeed u hiiliyaan si dhibaatada looga baxo.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Zakariye 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com