Wasiirka Gaashaandhiga DF oo gaaray Itoobiya + Sawirro

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo ka kooban dhowr wasiir ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Wafdigan oo ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaan garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kulamo gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalka Itoobiya, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee Sonna.

“Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda sare ee dalka Itoobiya,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Soomaaliya ay taageero weydiisan doonto Itoobiya, kaas oo ku aadan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee socdo.

Itoobiya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogan gudaha Soomaaliya, sidoo kale dhawaan ayey aheyd markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha galeen dalkaasi, kadibna ay weerareen dowlad deegaanka.\

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan u jiheysay dagaal dalka looga xoreynayo Al-Shababa, waxaana ka qayb qaadana shacabka, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda.